|
Iftiinka Aqoonta (LTGHT of EDUCATION) waa buug yar oo uu qoray Shire Jaamac Axmed oo ah aqoonyahankii qoray farta Soomaaliga ee aad hadda akhriyayso.
Buuggaan oo uu qoruruhu xilligaas ugu talagalay in dadku ku barto qorista iyo akhrinta Farta Soomaaliga, ayaa wuxuu soo saaray 25 Jannaayo 1967, wakhtigaas oo ah 5-sano ka hor markii Dawladdii Kacaanku 1972 si rasmi ah u hirgalisay Qoristii Afka Soomaaliga, lana go'aamiyay in la qaato fartii uu sameeyay, qoraalkeenada uu kaligii lahaa Allaha U Naxariistee Shire Jaamac Axmed.
Buuggaan ayaa wuxuu ka mid yahay caddaymaha rasmiga ah oo loo hayo qorista Afka Soomaaliga, qofkii farta Soomaaliga qoray iyo wakhtiyadii uu Af-Soomaaliga qoruhu Af-Soomaaliga u qori jiray sida maantadaan loo qoro.
Wuxuuna buugga ku soo bandhigay dhacdooyin taariikhi ah, Gabayo iyo suugaan sare iyo sheekooyin gaagaaban oo aad u macaan. Waxaa kale oo aad cajiib u ah sida farshanka leh ee uu buugga u qoran yahay iyo sida uu u sharxay hikaadda iyo xarfaha uu afku ku qoran yahay.
Buuggaan ayaa wuxuu qayb weyn ka qaadanayaa taariikhda farta Soomaaliga, isla markaasna wuxuu muujinayaa xuquuqda muhuhindisaad farta Soomaaliga.
Alaha U Naxariistee Shire Jaamac Axmed ayaa sanadkii 1999 ku geeriyooday magaalada Stockholm ee dalka Sweden, halkaas oo uu Soomaaliya qunsul uga ahaan jiray, markii danbana uu degganaa.
Somali Books Ltd waxaa sharaf weyn u ah in ummadda Soomaaliyeed iyo dadka kale ee akhriya ama si kaleba u daneeya afka Soomaaliga, qoristiisii iyo taariikhdiisaba aan u soo bandhigno buuggaan Qaraamiga ah, qiimaha weyna leh. Waxaana farxad weyn noo ah in aan buuggaan dhaxalgalka ah ku soo sinno gacantaada iyo gacanta ummadda Soomaaliyeed.
|